Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Garbahaarey

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta tegaya Garbahaarey .

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira dadajinta arrimaha doorashada iyo xalinta khilaafka Gobolka Gedo, waxaana la filayaa in Guddigii heerka Wasiir ee dib u heshiisiinta inay iyagana tagaan Magaalada.

Inta uu ku sugan yahay Garbahaarey, Rooble ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo looga hadlayo xaaladda deegaanka iyo Arrimaha dib u heshiisiinta ka bilaabaya halkaas kala hadli doona Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Garbahaarey ayaa kamid ah Magaalooyinka ay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Maamulka degmadaas isku haaya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka