Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Garoowe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxemed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa inay tagaan Magaaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda Sare ee Maamulka Puntland uu kala hadli Arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo Puntland ay kamid tahay Maamul Goboleedyada kasoo horjeestay Guddiyada doorashooyinka oo ay Xukuumadda Soomaaliya magacaawday.

Shalay Gelinkii dambe waxaa Magaalada Garoowe gaaray Wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud

Puntland ayaa aad u dhaliilay sida ay Xukuumadda Soomaaliya u maamuleyso doorashooyinka Soomaaliya, waxaana safarka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku tagayo Garoowe uu ka sheegay kulankii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Amniga Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyey, waxaana siweyn looga dareemayaa qaban qaraabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo markii ugu horeysay yahaya tan iyo markii xilka loo Magacaabay.