Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Agaasime Cusub.

Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay Mudane Saciid Cabdullaahi Calasow.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Agaasimaha cusub Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta loogu magacaabay inuu noqdo Saciid Cabdullaahi Calasow.