MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Beelaha Hawiye, iyadoo kulankan uu ku saabsanaa taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, waxaa kulankan ka qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadaal ugu jira kasbashada Xildhibaannada sidii kalsoonida u siin lahaayeen,

Labadii maalmood ee la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa kulamo la yeelanayay Xildhibaannada iyo siyaaisyiinta beelaha, si uu taageero uga helo

Waa arrin cusub in Ra’iisul Wasaare la magacaabay inuu Baarlamaanka ka codsado codka kalsoonida, halkii ay horay caado aheyd in Madaxweynaha inuu Baarlamaanka horgeeyo, isla markaana u weydiiyo Kalsoonida siinta Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabo.