Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa su’aalo laga weediiyay arimo dhowr ah ay kamid aheyd in Xukuumadiisa ay awood u adeegsato siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in aysan wax awood ah u adeegsan shaqadii ay rabaan inay qabtaan,hayeeshee dhaqanka dowladda uu yahay in hadii la rabo in horumar laga gaaro dhinaca dhaqaalaha lala dagaalamo Musuq Maasuqa,taasina aysan awood aheyn.

Isaga oo wareysi siiyay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxa uu tilmaamay in uu aaminsan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay ogyihiin waxqabadka dowladda ee labadii sano ee la soo dhaafay,isla markaana xusay in Caalamka uu qiray in Soomaaliya ay rago wanaagsan leeday ayna gaartay hormar la taaban karo.

”“Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Soomaaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin, waxaan balan qaadnay dhaqaalaha dib u habeyn inaan ku sameyn doono, waxaan balan qaadnay in Ciidamada dib u habeyn aan ku sameynayno waa adigaa arkay” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale Sheegay in ay kasoo baxeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya balamihii ay galeen oo aheyd in ay ka duwanaadaan Madaxdii hore ayna wada shaqeeyaan iyaga oon is khilaafin .

”Waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha in aan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili qaar kamid ah siyaasiyiinra mucaaradka ay marar badan sheegeen in Xukuumada hada jirta ay cadaadis saarto awoodna mararka qaar u isticmaasho xisbiyada mucaaradka ah.