Shirka dib u eegista dhaqaalaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Shirkaan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka iyo Hay’ada IMF, ayaa waxa uuna daba socdaa shirar sidaani oo kale looga arinsanayay dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Ra’sul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, wasiirrada maaliyada iyo Qorsheynta ayaa Shirkaan soomaaliya ku matalaya , iyo xubno kale oo qeyb ka ahaa wafdiga Ra’sul wasaare Kheyre.

Qiimeyn si wada jir ah ay u wadeen Bangiga Aduunka iyo Hay’ada IMF, ee la xiriirtay isbedelada dhaqaalaha Soomaaliya ayey ku sheegeen in ay jiraan hormaro dhanka maaliyada ah oo ay ku tilaabsatay Soomaaliya.

Waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in deymaha laga cafin doono Soomaaliya hadii laga helo nidaam maaliyadeed oo waafaqsan kan Caalamiga ah.