Reer K/Waqooyi oo ka walaacsan Kim Jong Un oo “keliya yara caatoobay”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Telefishinka qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa baahiyay wareysi aan caadi ahayn oo ay ka qaadeen nin deggan magaalada Pyongyang oo sheegay in isaga iyo dadka kale ee ku nool caasimadda “ay ka naxsna yihiin” miisaanka ka dhacay hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un.

Kim ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu arkayay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi isaga oo si la dareemi karo u caatoobay, taas oo la yaab ku noqotay bulshada dalkaas.

Xukuumadda Pyongyang si rasmi ah ugama aysan hadlin haddii uu jiro isbeddel ku yimid miisaanka Kim amaba caafimaadkiisa.

Qofkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa weriye ka tirsan KCTV, u sheegay “dadka, oo aan aniga ka mid ahay, waxay intooda badan ka naxeen markii aan aragnay Xoghayaha Guud ee xushmadda loo hayo (cinwaanka rasmiga ah ee Kim Jong Un) oo caato ah … qof walba wuxuu sheegay inay arrintaas ka ilmeysiisay.”

Caafimaadka Kim waa mid si gaar ah loola socdo gudaha dalkaas, oo ay hoggaamiyeyaashiisu aad uga baqaan afgembi amaba in maamulka talada haya la beddelo. Dalkaasi ayaa waxay weerarro is dhaafsadaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed.

Kim iyo qoyskiisa ayaa xushmad aad u sarreysa ku leh warbaahinta Kuuriyada Waqooyi. Xitaa in la isla dhex maro warar ku saabsan caafimaadkiisa ayaa qofka u soo jiidi karta dhibaato weyn, sida ay khubarradu sheegayaan