Rooble iyo Farmaajo oo ku kala adkaaday doorashadii maanta ee Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muuse Geelle Yusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, isagoo helay codod dhan 14 cod, halka C/raxiin C/casiis Aadam oo la tartamayay uu helay 11 cod.

Muuse Geelle ayaa si weyn looga ololeynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isagoo garab ka helayay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Sidoo kale C/raxiin ayaa isna taageero ka helayay Villa Soomaaliya.

Villa Soomaaliya ayaa dadaal ku bixisay sidii ay ku heli laheyd guddoonka Guddiga balse waa ku guuldareystay.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa horey u soo noqday Guddoomiyihii KMG-ka ee Guddiga doorashada, waxaana haatan uu bedelayaa Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Si kastaba Maxamed Cirro ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku milman Arrimaha siyaasadda dalka, in kastoo xiligii xilka laga qaadayey uu warbaahinta ka sheegay inuu xilka Guddoomiyaha Guddiga uu isaga haayo.