Rooble oo ku dhawaaqay in si deg deg ah ay ku xalinayaan khilaafka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay soo afjareeyso khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, kaas oo la xiriira Arrimaha doorashooyinka.

Rooble waxaa uu sheegay in xalinta khilaafka siyaasiyiinta, isaga loo xilsaaray, isla markaana wadatashiyo la xiriira sidii loo soo afjari lahaa ay uu la leeyahay guddoomiye Cabdi Xaashi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi guuleed.

Xukuumadiisa ayuu sheegay in haatan qorshaha xalinta Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ay meel wanaagsan u marayaan.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan Gudoomiyaha Aqalka Sare & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi guuleed ayaa waxaa haatan u dhaxeeya khilaaf la xiriira arrimaha doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.