Rooble oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

3

KISMAAYO-AYAAMAHA-Maanta oo Arbaco 07-07-2021 waxaa la filayaa in  Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaminayo ay tagaan Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta Kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Magaalada Kismaayo shalay waxaa gaaray wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo ka socda Xafiiskiisa.

Magaalada waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Rooble ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isaga oo sidoo kale booqan doona Saldhigyada Ciidamada Jubbaland.