Rooble oo lagula taliyay inuu fuliyi 5 qodob oo muhiim u ah heshiiska doorashooyinka.

Muqdisho-Ayaamaha-Musharax Daahir Maxamuud Geelle ahna Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa soo bandhigay shan qodob oo laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ka hor shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ee loo madlan yahay 201-ka Bishaan.

Musharax Daahir Geelle ayaa ku sheegay Shanta qodob inay yihiin kuwo muhiim u ah Ra’iisul Wasaaraha in uu ogaado si ay ugu fududaato in heshiis doorasho lagu garo shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso

Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May.

1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay.

4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqanayn.

5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

Ugu danbayn, walaalkeey Ra’iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guuldarrooyinki hore wax ka baratid.