Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Xaaladda amniga dalka iyo qodobbo kale.

Waxaana kulan maanta looga dhageystay qaar ka mid ah wasiirada wasaaradaha Xukuumadda, iyadoo lagu dhagaystay warbixinno ku saabsan Amniga dalka, Caabuqa Covid-19, Gurmadka Abaaraha & Fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble waxaa uu si gaar ah warbixin uga dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka, waxaana uu faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyadu, isagoo ku baaqay in xubnaha harsan dhaqso loo soo gudbiyo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ah Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay inta badan ay soo gudbiyeen maamulada xubnaha guddiyada ee lagu badalaayo kuwii horay guddiga looga saaray.

Hal maamul ayuu sheegay in xubnihii loo diray uusan wali soo gudbin kuwo cusub ee lagu badalaayo.