Rooble oo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka kala hadlay Arrimaha doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Nicolas Berlanga ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka ee maalmaha soo socda si rasmi ah u bilaaban doona.

Wakiilka Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyay dadaalkiisa ku aadan hirgelinta doorasho heshiis lagu wada yahay oo si xor iyo xalaal ah uga dhacda gudaha dalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isla Maanta kulan gaar la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen oo booqsho ku timid Magaalada Caasimaddav ah ee Muqdisho.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya  iyo Ergayga gaarka ah ee Norway ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ay uga mahad celiyeen dadaalkiisa ku aadan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.