Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laft-gareen) ayaa shalay ku booqday xabsiga Habar-Khadiijo ee ciidaman NISA oo ku xirnaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur, oo u xiran dowladda.

Kulanka ayaa waxaa logogu hadlay dadaallo ay wadday beesha Roobow iyo wada-hadal ay la lahayd dowladda oo ku saabsan in lasii daayo Roobow, dowladdana xaal-marin ka bixiso dhibkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Xogta aan helayno ayaa sheegay in Lafta-gareen uu Roobow ku war-geliyey qaar ka mid ah qodobada heshiis la diyaarinayo in lagu xaliyo dhibkii dhacay, islamarkaana lagu sii daayo Roobow.

Roobow ayaa loo ballan-qaaday, In lasii daayo dowladana ay xaal-marin siiso, halka dhibanayaasha dhibkii Baydhaba ay heli doonaan magdhow. Waxaa sidoo kale loo sheegay in la qabanayo shir looga xaajoonayo dhibkii gaaray Abuu-Mansuur isaga iyo kooxdiisa ololaha.