MUQDISHO-AYAAMAHA-Sirdoonka Ruushka “waa shabakad ballaaran oo ujeedkeedu yahay in ay dagaal abuurto”, waxaa sidaas BBC-da u sheegay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ee caalamiga ah.

Eedeyntan ayaa timid xilli dhawaan wargeysyada kala ah New York Times, Washington Post iyo Wall Street Journal, ay daabaceen warbixin muujineysa in sirdoonka Ruushka ay heshiis la galeen kooxda Taliban sannadkii hore, kaas oo dhigaya in ay dilaan askari walba oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan, waxayna arrintaas ku helayaan lacag, sida la sheegay.

Haseyeeshee arrintaas waxaa beeniyay Dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo kooxda Taliban.

Talaadadii la soo dhaafay, wasiirka difaaca ee Britain ayaa sheegay in uu ka war qabay warbixin sirdoon oo la xiriirta arrintaas. Ben Wallace ayaa yiri: “Arrinta la xiriirta warbixintaas, waxay ila tahay in aan ka warqabo ee dhanka sirdoonka ah.

Mar uu la hadlayay guddi katirsan baarlamaanka dalkaas wuxuu sheegay in hadda uusan diyaar u ahayn ka hadalka sax ahaanshaha warbixintaas, balse ay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah.

Hey’adda sirdoonka Ruushka ee GRU

Saddex wargeys oo ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa ku soo warramay in saraakiil katirsan Aqalka Cad ay ku andacodeen in saraakiil katirsan sirdoonka Ruushka ay ku lug lahaayeen heshiiska la sheegay, ayna si gaar ah wax ka maleegeen qeyb ka mid ah sirdoonka Ruushka oo lagu magacaabo GRU.

Dalka Britain, madaxa guddiga difaaca ee baarlamaanka, Tobias Ellwood, waxaa uu sheegay in arrinta lagu eedeeyay sirdoonka Ruushka uu horgeyn doona Qaramada Midoobay.

Kooxda Taliban oo isla dalka Ruushka looga aqoonsan yahay urur argagixiso – haddana xukuumadda Moscow waxay sheegtay in warbixintaas aanay waxba ka jirin.