MUQDISHO-AYAAMAHA-Saliidda aadka u badan ee ku daadatay deegaanno ku yaalla Arctic ayaa la sheegay iney deegaanka u geysatay waxyeello aan la saadaalin karin.

Saliiddaasi waxay si gaar ah saameyn ugu geysataa wabiyadaa halkaasi ku yaalla. Mas’uuliyiinta Ruushka iyo wakaaladaha caalamiga ee arrimaha deegaanka ka shaqeeya waxay sheegeen saameynta saliidda ka dhalatay ee sanadaha badan wax ka qabashadeeda lagu guul darreystay.

Adeegga howlaha gurmadka Ruushka ayaa haatan wado dadaallo ay wax kaga qabanayaan saameynta deegaanka ee ka dhalatay salidida iyo wasakhda deegaanka lagu sii daayo.

Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Ruushka, mustaqbalka dhismaha iyo qiimeynta Putin dhammaantood way saameyn karaan – laakiin sidee?

Qiimeyn uu madaxweyne Putin sameeyey ayuu ku sheegay isbeddelladaasi cimilada iney saameyn u geysanayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo dhismaha mustaqbalka.