Ra’iisul Wasaaraaraha dalka Xasan Cali Khayre, oo la kulmay wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada oo soo geba gebeebey shir ay Muqdisho ugu qabatay wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dadaalka iyo kulamada joogtada ah ee lagu horumarinayo kalluumaysiga iyo kheyraadka dalka.

Mudane Kheyre ayaa faray wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta ay la leeyihiin xukuumada federaalka si hannaan wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo kamid ah khayraadka dalka uu leeyahay ee ka qayb qaadanaya horumarinta kobcinta dhaqaalaha dalkeena.

Wasiirka Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku jiro tubaha siyaadda loo dhanyahay iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa hal-beegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato waxaa kamid ah dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqyo kalluumaysi oo Caalami ah.