R/wasaaraha ukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Jowhar Moqdishu iyo Afgooye ee labada maamul goboleed ee Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Xasan Cali Khayre RW, dalka oo ay wehliyaan madaxwaynayaasha Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu ku faraxsanyahay billaabashada mashuurcaan oo muhiim u ah qorshaha horumarinta dalka, isaga oo u mahadceliyay dawladda Qatar oo bixinaysa qarashka lagu dhisayo waddooyinka iyo dawladda Turkiga oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha ee wadooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa rajo wayn ka muujiyay in waddooyinkaan ay lamid noqdaan waddooyinka casriga ah ee caalamka, ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkaani uu yahay mashruucii ugu waynaa ee dalka laga fuliyo intii xukuummaddu jirtay, uuna qayb muhiim ah ka yahay soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

RWasaaraha Xasan Cali Kheyre ayaa yiri “Maanta waa maalin iftiin cusub u ah ganacsatada iyo beeralayda labada Shabeelle oo ay u dhib-yaraan doonto mustaqbalka in ay ganacsadaan. Maanta waa maalin inftiin u muujinaya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, sababta oo ah shaqadii ay soo billaawday xukuumadda laba sano ka hor ayaa mira dhashay, laba sano kadibna waxaa la arki noonaa mashruucyadaan oo dhammaaday”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoggaanka labada maamul gobaleedyada ee Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed, ciidanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan shirkadaha dhisaya waddooyinkan Muhiimka ah.