Muqdisho-(Ayaamaha)-Xogtan gaarka ee aan helnay ayaa waxay sheegaysa in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Muqdisho ka wadaan kulamo ay kaga soo horjeedaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacayay kulamo ka dhan Ra’iisul wasaare Kheyre waxaana arintan ay ka dambeysay ka dib markii Xildhibaano badan ay Kheyre ku eedeeyeen inuu wax ka qaban waayay Amniga iyo sidoo kale Xukuumadda ay dayacday Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jira Al shabaab.

Xildhibaano badan ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kula jira dagaal xoogan kadib markii uu diiday inuu la kulmo maadaama uu fulin waayay balanqaadyo uu hore ugu sameeyay taas sababtay inuu khilaaf yimaado.

Wali lama haayo tiro rasmi ah oo Xildhibaanada saxiixaya Mooshinka dhan ka ah Kheyre hadana abaabulka arrintan ayaa si weyn looga dareemayaa Hotelada ugu waa weyn Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Mudooyinkii dambe Xasan Cali Kheyrre ayaa ka shaqeynaya in dib loo dhigo waqtiga lagu balamay in la furo Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inta laga daminayo abaabulka xiisadan hada taagan taasoo aan la ogeyn meesha ay ku dambeyn doonto.