RW Rooble oo sheegay in dhamaan laga heshiiyay caqabadihii doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyay xeritaanka shirka madasha wadatashiga doorashooyinka ee ka socda Teendhada Afisiyooni ayaa sheegay in dhamaan laga heshiiyay qodobadii caqabadaha ku ahaa doorashada.

Rooble waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay uga heshiiyeen shoirkooda ay kamid yihiin,  Amniga doorashooyinka Arrinta Goblka Gedo, khilaafkii arrinta Gobolada Waqooyi  sidoo kale ay soo noqotay is aaminadii Madaxda dowlada & dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahah celiyay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu sheegay inay lahaayeen in laga heshiiyo doorashada.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta inaysan si kale wax u radin balse waxkasta ay agtiisa yaallaan.