Sababta Galmudug dib ugu dhigtay shaacinta Guddiga xulista Ergooyinka oo la ogaaday.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa eib u dhigay shaacinta Guddiga xulista Ergooyinka dooranaya Xilehibaano kamid ah Golaha Shacabka oo qorshuhu ahaa in shalay shaaciyaan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in sababta ay dib ugu dhigeen ay aheyd cidsi uga yimid Odayaasha, balse Maanta oo taafiikhdu tahay 24-ka Bisha Janaayo ay shaacin doonaan Guddiga xulista Ergooyinka.