HARGEYSA-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed  ayaa ka hadlay Xoolo laga dhoofiyey Dekedda Berbera oo Sucuudigu dib u soo celiyey.

Waxaa uu ayaa sheegay in Sucuudigu iska Caadaystay inay Xoolaha loo dhoofiyo ay marmarka qaarkood iska soo celiyaan iyagoo eegaya arrimo iyaga u gaar ah, laakiin suuqa Xoolaha ee Sucuudigu uu weli u furan yahay Somaliland.

Waxaa uu sheegay in ay waddan baaritaano ku aadan sababta keentay, islamarkaana aysan waxba ka jirin in Somaliland aysan dadaal ku bixin sidii xoolahaasi Sacuudiga looga codsan lahaa in ay aqbalaan.

“Maxaa lagala hadlayaa Sucuudiga Xooluhu way u furan yihiin oo muu joojin, Xanuun Xoolaha la soo celiyey ka muuqdaana ma jiro oo waanu baadhnay. Dalalka wax dhoofiya ayaynu la mid nahay, intaas oo Markab baa ku soo noqday Jabuuti, intaas oo Markab baa ku soo noqday Suudaan, maxay kuwaa kaga duwan nahay Somaliland.” ayuu yiri Wasiirka