Sacuudiga Oo Xukun ku Riday Haweeney Xaquuqda Dumarka U Ololeysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeney caan ka ah dalka boqortooyada Sacuudi carabiya oo u ololeysa xuquuqda haweenka ay u leeyihiin iney gawaarida wadaan ayaa lagu xukumay ugu yaraan shan sano oo xarig ah.

Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah laba sana iyo bar waxay ku xirneed xabsi amnigiisa aad loo adkeeyey oo ku yaalla dalka Sacuudiga.

Iyada iyo haween kale oo u ololeeya xuquuqda haweenka Sacuudiga ayay boqortooyada Sacuudiga xabsiga dhigtay 2018-kii, haweenkaasi oo lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen iney xiriir la yeesheen ururrada cadowga ku ah Sacuudiga.

Hay’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waaxay marar badan Riyadh ka codsadeen in Loujian la sii dayo.

Balse Isniinti shalay ahayd, maxkmadda dambiyada ee dalka Sacuudiga oo lagu qaado fal-dambiyeedyada waaweyn oo ay ka mid yihiin argagixisada ayaa dhowr eedeymo oo ay ka mid yihiin iney ammaanka qaranka khalkhal gelisay iyo iney dana shisheeya fulineysay u soo jeedisay.

Waxayna ugu dambeynti maxkamaddu ku xukuntay 5 sano iyo 8 bilood xabsi ah. Laba sano iyo toban bilood oo xukunka ay maxkamadda ku ridday ka mid ahna la sheegay in la laalay.

Haweeneydan xukunka lagu riday iyo qoyskeedaba waa ay diideen dhammaan dacwadaha lagu soo oogay. Waxayna qoyskeedu sheegeen muddadi ay xabsiga ku jirtay in jirdil loo geystay balse maxkamadda ayaa cabashada qoyska ku gacan seydhay.

Loujain al-Hathloul ayaa xabsiga loo taxaabay toddobaadyo ka hor haweenka Sacuudiga inta aan darawalnimo loo oggolaan sanadkii 2018-kii, arrintaasi oo ku timid ololihi ay iyadu billowday.

Hase yeeshee mas’uuliyiinta dalka Sacuudiga waxay sheegeen xariggeeda inuu arrintan wax xiriir ah la laheen.