Kismaayo-Ayaamaha-Ilo kusugan Madaxtooyada Kismaayo ayaa waxay sheegeen in  Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe  uu Casuumaad ka helay dalka Imaaraadka Carabta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Safarka Axmed Madoobe uu qeyb ka noqon doonaan Wasiiro katirsan Maamulka Jubbaland,taas oo qaban qaabadiisa ay ka Socoto Magaalada Kismaayo.

Inta uu Axmed Madoobe  kusugan yahay Dubai ayaa laga yaabaa inuu la kulmo saraakiil katirsan Sirdoonka Imaaraat-ka Carabta,ayna Madaxda Dalkaasi kala hadlaan Siyaasada Soomaaliya.

Sidookale waxyaabaha ugu weyn Ee ay isla soo qaadi doonan waxaa kamid ah Doorashada 2021-ka Soomaaliya ka dhacayso oo siyaasiyiin Carab iyo Soomaali la sheegay inay kulan ka yeelan doonaan.

Dalka Imaaraat-ka Carabta ayaa saldhig u ah Mucaaradka Dawladda Dhexe,waxaana ay Dawladaasi ay ka mid tahay kuwa dhabar jebinta ku haya Dawladda feseraalka ah ee Soomaaliya.