MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda uu boqoasho ku tago dalka Jabuuti.

Farmaajo ayaa halkaas kula kulmi doona madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Warar ay heshay Warbaahinta Ayaamaha ayaa sheegaya in Madaxweyne farmaajo uu halkaasi kula kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hogaaminaayo

Wadahadalada Somalia iyo Somaliland oo muddo hakad kujiray ayaa la filayaa inay dib loo bilaabo todobaadkaan aan kujirno.

Wadahadalada oo uu soo qaban qaabiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa goob joog ka noqon doono Madaxweynaha Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca Somaliland uga qeyn geli doono wadahadalka ayaa waxaa ay kala yihiin.

1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
2- Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
3- Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon
4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin
5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.

Dhanka Soomaaliya waxaa sidoo kale wadahadalka Uga qeyb gel doono waxaa kamid ah.

1- Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre
3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh
4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa mowjado siyaasadeed iyo doorashooyinkii ku soo fool le wdanka, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay ka gaabisay dadaalkii ay u geli laheed sidii ay doorasho xor ah uga dhici laheyd soomaaliya.