MUQDISHO-AYAAMAHA-madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir V. Putin ayaa qudbad balaaran u jeediyay safiiro cusub kuwaas oo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Madaxweyne madaxweyne Putin, ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabma soo.aaliyeed u rejeeyay inay ka guuleysato dagaalka ay kula jirto xag-jirka iyo argagixisada iyo dadaalka ay ugu jirto sugidda wadajirka dhulkeeda.
Mudane Xasan Cabdi Daa’uud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada.