Safiirka Shiinaha ee waqtigiisa shaqo ay dhammaatay oo laga sagootiyay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Sabti ah, xarunteeda Caasimadda Muqdisho, lagu qabatay xaflad lagu sagootinayay Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay.

Intii lagu gudo jiray xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Balal Maxamed Cusmaan, ayaa bogaadiyay dadaallada ballaaran ee Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu la yimid intii uu ka shaqaynayay Soomaaliya.

Dhankiisa, Mudane Qin Jian ayaa uga mahadceliyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo iskaashiga ay u muujiyeen oo ka qeyb qaadatay guusha shaqadiisa, isagoo u rajeeyay Soomaaliya horumar joogta ah iyo barwaaqo.

Dhammaadka xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa guddoonsiiyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ee Soomaaliya ay ka dhammaatay hadiyad xusuus ah, isagoo guul u rajeeyay shaqooyinka uu qaban doono mustaqbalka.