Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der Bellen ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaawday Austria ee Amb. Ebyan Maxamed Saalad.

Madaxweyne Alexander van Der Bellen ayaa danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya u rajeeyay inay ku guulaysato gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo ay ka shaqeeyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.

Safiirka Cusub ee Soomalaiya u Magacaawdey dalka Austria Amb. Ebyan Maxamed Saalad Ladane ayaa uga mahad celisey Madaxweynaha dalkaas sida uu u soo dhaweeyey iyo wada-shaqeynta dhex-mari doonta.

Dr Ebyan ayaa sidoo kale ah Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland iyo Xarunta Labaad ee Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.