Saldhig ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland oo Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday.

BOOSAAS0-AYAAMAHA-Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso.

Ku dhawaad 10 madfac ayaa la sheegay in lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay. Sidookale Ciidamada Puntland ee kusugan Saldhigga Af-urur ayaa dhankooda tiro madaafiic ah uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo dhankooda kuqoray Baraha Internet-ka ee taageera  warar ay ku sheegeen inay madaafiicda la heleen Gudaha Saldhiga, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.