Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gelinka dambe soo gaaray Magalada Muqdisho.

Safarka Madaxweyne Xaaf ayaa ka dambeysay kadib markii Isaga iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, taasi oo ku aadan in doorasho laga qabto deegaanada Maamulka Galmduug, si ay dhibaatada kaga baxaan shacabka ku nool reer Galmudug.

Heshiisyadii la kala saxiixday ayaa waxaa kamid ahaa inuu Xaaf yimaado Muqdisho isla markaasna uu la fariisto madaxda ugu sareeyo dalka si loo dhameystiro heshiiska labada dhinac.

Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadlo fulinta ballamihii la galay, oo ay ugu horeyso inuu qaato lacagtii ay dowladda Soomaaliya kula heshiisay in la siiyo si uu doorasho u qabto.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu hal sano tagin Muqdisho iyo gurigiisa halkaas ku yaalay taasina ay sabab u aheyd khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda u muuqdo in xal laga gaaray.