Sanbaloolshe oo shaaciyay sababta loo dilay Xildhibaan Aammino

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Agaasimiii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in qaraxii xalay lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi uu ahaa mid siyaasadeysan oo la qorsheeyay.

Sanbaloolshe oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in xilliyada qarayadu ay dhaayeen uu ku sugnaa meel waxyar u jirta, isla markaana dadka ku dhintay ay yihiin, Mas’uuliyiin Shacab iyo Askar.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xilliga ay qaraxyada dhacayeen ay soo dhamaatay doorashada Kursiga Hop#063 sidoo kalena la guda galayay doorashada kursiga Hop#011, balse qaraxyada ay dhaceen.

Magaalada beledweyne ayaa waxaa siweyn saaka looga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyada, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha Amniga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne.