Saraakiisha dowladda oo looga digay inay farageliyaan Arrimaha doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Ciidamada qalabka sida ee kala duwan waxaa uu uga digay inay ku milman arrimaha siyaasadda gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka socda dalka.

Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka.

“ Meel kasta oo Ciidan uu joogo waan tegi doonaa, waxaana farayaa xafiiska Xeer ilaalinta in uu galdacadeed kasoo gudbiyo ciidamada dhexdooda oo ka dhan ah shaqsiyaadka, iyada oo ciidamada ka tirsan ku milmay siyaasadda, waxaana qofkii lagu helo uu noqon doonaa mid aan u qalmin in uu ciidamada kasii mid ahaado ayuu yiri”  Guddoomiye  Shuute.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soom aaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa daba socda xilli Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ay dhowr jeer sheegeen in Madaxda joogta Villa Soomaaliya ay Ciidamada u adeegsadeen in lagu boobo doorashada.