MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar culus ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab  oo ku sugnaa tuulada Dug-wariiri oo hoostagta deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan, waxaana weerarka uu ka dambeeyay, kadib markii hoobiyayaal lagu garaacay deegaan hoostaga Jannaale.

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay 2 Sarkaal iyo 27- dagaalame, waaa  sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraal Cabdixamiid ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo meelo kale.