Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Kooxo hubeesan goordhaw waxa ay ku dileen nin sargaal ah oo la sheegay in uu katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Xogta aan helayno ayaa wxay sheegaysaa in koox hubeesan oo wadatay gaari yar oo nuuca raaxada ah ayaa sargaalkan dilay xili uu dukaan wax ka iibsanayay , kooxda dilka geesatay ayaana horey uga baxsatay goobta dilka sargaalkan kadhacday.

magaca Sargaalkan la dilay ayaa lagu sheegay Cali Canshuur, waxa uuna kamid ahaa booliiska ka howglada degmada Hodan , waxaana goobta lagu dilay sargaalkan baaritaano ka sameeyay ciidamo booliis ah oo ku guul dareestay in ay helaan ragii falkan dilka geestay.

Dilalka qorsheesan ee ciidamada dowlada loo geesto iyo shaqaalaha kale dowlada federaalka ayaa si caadi ah uga dhaca Muqdisho, waxaana inta badan ka baxsada raga hubeesan ee fuliya dilalkaasi mana jirto dad loo soo qabta.