Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland oo la dilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda  Maamulka Puntland ee PMPF.

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa waxaa lagu dilay degaanka laanta Hawada oo Bari ka xiga Magaalada Garoowe, waxaana dilkiisa ka dambeeyay  askari ka tirsan Ciidanka Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka uu yimid kadib markii uu muran dhex-maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo markii dambe la qabtay, isaga oo isku dayay in uu baxsado.

Dilkaan duleedka Garoowe loogu geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Maalin ka hor Magaalada Garoowe ay ilaalada Madaxweynaha Puntland ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.