Kismaayo-Ayaamaha-Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 43aad ee ka howlgala Jubbooyinka ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sarkaalka isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ayaa Magaciisa ku sheegay Rayaani Shiikh Nuur, isla markaana waxaa uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Gaadiidka ee Gobolada Jubbooyinka.

Rayaani Shiikh Nuur ayaa sidookale sheegay in uu Go’aan ku gaaray ka bixista Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu ugu baaqay raga kale ay iska shaqeyn jireen inay  kusoo biiraan dhanka Ciidanka dowladda, waa sida uu hadalka u dhigay Rayaani Shiikh Nuur.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan Ninkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida Jubbaland,kaas oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Xubnaha Sar sare ee Al-Shabaab.