Burco-(Ayaamaha)-Keyse Maxamed Cawaale, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Boliiska Gobolka Togdheer ee Soomaaliland, ayaa meydkiisa laga helay Saakay degaanka Fiqi Ayuub, oo dhanka Waqooyi kaga began Magaalada Burco.

Dadka degaanka Fiqi Ayuub, ayaa sidoo kale sheegay in ay arkayeen Laba Askari oo Boliis ah, kuwaasoo iyana lagu dhaawacay halkii lagu dilay Sarkaalka.

Degaanka Fiqi Ayuub, ee Waqooyiga Magaalada Burco ayaa la sheegayaa in ay ka howl galaan shirkado kala duwan oo halkaa ka baara Macdanta.

Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Soomaaliland iyo kan Gobolka Togdheer ayaan weli si waafi ah ugu hadlin dhacdad foosha xun ee lagu dilay Sarkaalka, Labada kalena lagu dhaawacay.

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in ay halkaasi u tageen Askartu in ay wax ka ogaadaan boob xagga Macdanta ah oo ay halkaasi ka wadaan Shirkado Ajaaniib ah oo ay Garwadeen ka yihiin Dad u dhashay Soomaaliland.

Balse baarayaasha shisheeye ee halkaasi ku sugan ayaa sida la sheegay ka Biyo diidsanaa in laga gudbiyo wax xog ah oo ku aaddan Macdanta ay sida sharci darrada ku qaadanayaan, maaddaama anay heysan wax ruqsad ah oo ay Dowladdu siisay.