Sarkaal katirsan Millateriga Soomaaliya oo qarax lala eegtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax si weyn jugtiisa looga maqlay qaybo ka mdi ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday sarkaal katirsan Militari Soomaaliya.

Generaalka la qarxiyay ayaa lagu Magacaabaa Maxamed Xaashi Guuleed, waxaana la sheegay in Qaraxu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, taasi oo sida dad Goobjoogayaal ah ay sheegeen Qabsatay Gaariga uu la socday Generaalka iyo Ilaaladiisa.

General Maxamed Xaashi Guuleed ayaa waxaa la socday kudhawaad afar askari oo istaaf ah,iyaguna waxyeelo inay soo gaartay ayaa loo maleenayaa.

Qaraxa ayaa Generalka Lagula eegtay Agagaarka isbitaalka kalkal Xili u kasoo baxay xerada Villa Beydhabo ee ku taalla xaafada buula xuubeey Magaalada Muqdisho.

Ma jirto war kasoo baxay taliska Meliteriga iyo laamaha amniga oo qarax looga hadlayo,iyadoo aysan jirin cid sheegatay weerarkaasi.