Muqdisho-(Ayaamaha)-Diyaarad ayaa Galabta waxay kasoo duushay Baardheere islamarkaana Muqdisho geysay Seddex Hogaamiye oo kasoo baxsaday Ururka Al Shabaab.

Aadan Cabdi Turuq oo ka mid ahaa Amiirada sar sare ee  Al Shabaab iyo Darawalkisa oo la yiraahdo Food Aadan Maxamuud iyo Madaxii Zakawaatka Al Shabaab Ugu magacaabnaa Gobolka Jubbada Hoose ayaa isu soo dhiibay Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Xooga Dalka ee jooga Baardheere.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Diyaarad ay Baardheere ka qaaday oo ay saraakiishani geystay Muqdisho,sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidamada Nissa iyo Sirdoonka Qaranka oo Amiirada hore usii raacay.

Aadan Cabdi Turuq oo loo yaqaano Aadan Coobe ayaa inta lagu yaqiinaa Hogaamiyaashii Al Shabaab ee soo hogaamiyay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Saraakisha Ciidamada Xooga Dalka & Kuwa Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ay heleen Xog kale duwan oo ku saabsan Saraakiishan iyo Xaaladooda.

Qaar katirsan Alshabaab ayaa mudooyinki Dambe isu soo dhiibay Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Dowlada Federalka ee jooga Gobollada Dalka.