Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamadii Hore Ee Xoogga Dalka Soomaaliya Kuna Naafoobay Difaaca Qarankanka ayaa maanta duhurnimadii waxay tegeen oo Banaanbax ka hor dhigeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Ee Dalka looga Arimiyo.

Ciidamadan Naafada ah ayaa waxay dhoobteen Albaabka ku aadan Shimbiraale,dhinaca Hoteelka SYL kuwaas oo cabashadooda si nabad gelyo ah kusoo bandhigayey.

Ciidanka Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hadlay waxay sheegeen inay waayeen Daryeelkii ay Qaranka uga baahnaayeen mushaarkiina in laga jartay ayey carab dhabeen.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ka codsadeen in iidaankooda iyo wixii ay Xaqa ulahaayeen ka doonayaan inay siiso.
Intii Banaanbaxa dhigeyeen ayaa waxa ay diideen in la galo markii dambe ama laga soo baxo Xarunta Madaxtooyada Albaabka ay hor dhoobteen.