Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ee degmooyinka Warta-Nabada iyo Yaaqshiid.

Duqa Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool iney xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda wadooyinka.

Waxaan maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid, waxaan ugu baaqaya bulshada Caasimadda in ay muujiyaan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafada iyo bilicda ayuu yiri”Guddoomiye Filish.

Wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ayaa waxaa ay kamid tahay wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda ee badi bulshada ay isticmaalaan.