MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dib u dhis balaaran lagu sameeyay qaar kamid ah xarumaha Maaliyadda dalka , waxaana dhawaan la filayaa in si rasmi ah xariga looga jaro xarumahan cusub ee loo dhisay Hay’addaha ku shaqada leh maaliyadda dalka.

Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay dhisamayaasha xarumaha dib loo dhisay oo kuyaala qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay dib u dhiska lagu sameeyay xarumaha kuyaala magaalada Muqdisho Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo ka qeyb qaatay dib-u-dhiska Xarumahaan.

Xarumaha maaliyadda ee dib u dhiska lagu sameeyay waxaa kamid ah Xarunta Hogaanka ilaalada Cashuuraha Barriga, dhismaha 2aad ee W.Maaliyadda, Machadka barashada culuumta Maaliyadda iyo qaar ka mid ah xarumaha Cashuuraha ee Dagmooyinka Banaadir.