Muqdisho-Ayaamaha-Dadka qaar ee ku nool daafaha calamka waxay u soo bexeen jidadka iyagoo dalbanaya in la joojiyo xadgudubka haweenka ay la kulmaan.

Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay dalal ay ka mid yihiin Mexico, Taliyaaniga, Turkiga iyo Sudan.

Isu soo baxyada caalamiga ah waxaa lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee soo afjaridda rabshadaha ka dhanka ah haweenka, ee isniintii la soo dhaafay.

Qiyaastii, 87,000 oo dumar ah ayaa lagu dilay daafaha caalamka, sannadkii 2017-kii, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Qaramada Midoobeey waxay tilmaamtay in xadgudubka ka dhanka ah dumar iyo gabdho yaryar uu ka mid yahay “dhibaatooyiinka baahsan ee loomaara la’yahay, iyo masiibada ku habsatay xuquuqda aadanaha ee dunida maanta”. Xadgudubyadaas badankooda waa la qariyaa sababo la xiriira ciqaab la’aanta qofka geystay iyo faquuqa.

Magaalada Mexico City, dumarka isugu soo baxay jidadka waxay maamulka ka dalbadeen in tallaabooyiin adag la qaado si wax looga qabto tirada sii badaneysa ee dumarka la dilay iyo kufsiga dalkaas ka dhaca.

Qaar ka mi ah dumarkaas iyo booliska ayuu isku dhac dhexmaray, xoogaa ka dibna, askarta ayaa kala ceyriyay haweenkaas.

Dibadbaxayaal kale oo badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay dalalka Latin Amerika, halkaas oo 12 dumar ah lagu dilay, sida Qaramada Midoobeey ay shegtay.

Dalka Chile, Dibadbaxayaal afkooda ku sawiray gacan guduudan ayaa isu soo baxay kuwaas oo dalbanaya ficil degdeg ah in dowladda ay sameyso.

Dumarka dalka Argentina ayaa tallaabo noocaas ah qaaday, kuwaas oo afkooda ku sawiray midab purple ah, waxayna isugu tageen Xarunta baarlamaanka ee Buenos Aires.

Ragga iyo dumarka dalka Uruguay waxay soo xirteen dhar madow ah, waxayna isugu soo bexeen caasimadda dalkaas ee, Montevideo, kuwaas oo ka dibadbaxayay rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

Dalka Honduras, haweenkii isu soo baxay waxay xargo ku dur xireen boombalayaal kuwaas oo ay ku xusuusanayeen dumarkii la dilay.

Caasimadda dalka Panama, dumar go’yo cad la dul saaray oo wax dhiig u eg lagu dul daadiyay ayaa isu soo baxay, kuwaas oo matalayay dilka dumarka loo geysto.

Dibadbaxayaal kale ayaa isugu soo baxay dalalka Yurub.

Dumar ka qeybgalay mudaaharaad ka dhacay magaalada Nantes ee dalka Faransiiska ayaa gacmahooda ku qoray “jooji” iyo “138” oo u dhiganta tirada dumarka ee sannadkan ay dileen raggii qabay ama kuwii horey u soo guursaday.

Dalka Taliyaaniga, dhismaha sanetka ee Turin ee loo garanayo Palazzo Madama, waxaa loo badalay guduub, taas oo lagu xusayay Maalinta soo afjarida Rabshadaha ka dhanka ah Dumarka.

Kumannaan kale ayaa isugu tagay magaalooyiinka Spain oo isla arrimahaas ka hadlayay. Illaa 52 dumar ayaa la sheegay in dalkaas lagu dilay, tan iyo bilowgii sannadkan.

Dhanka Turkiga, magaalada Istanbul waxaa ku mudaaharaaday dumar ay qaarkood isku dheceen booliska.

Koox fadhigeedu yahay Istanbul oo loo garanayo “Waan Joojin Doonnaa Dilka dumarka”, waxay sheegayaan in illaa 300 oo haween ah lagu dilay Turkiga sannadkan.

Magaalada Brussels, kabo guduudan ayaa la dhigay jidadka, si loo xuso haweenka dhibananayaasha ah ee dhintay.

Haweenka Sudan ayaa sidoo kale ku soo biiray dumarka dhaqdhaqaaqa sameynaya, kuwaas oo ku heesayay “xuriyad, nabad iyo cadaalad”.

A demonstrator aims a fire extinguisher towards a police officer during a protest against femicide and violence against women, in Mexico City, Mexico, 25 November 25.

Demonstrators face off with police officers during a protest against femicide and violence against women, in Mexico City, Mexico, 25 November, 2019.

Demonstrators stand next to a vandalised monument during a protest against femicide and violence against women, in Mexico City, Mexico, 25 November, 2019.

Women take part in a march to mark the International Day for the Elimination of Violence against Women, at Plaza Italia in Santiago, Chile, 25 November 2019.

A woman takes part in a protest on the International Day for the Elimination of Violence against Women in Buenos Aires on 25 November, 2019.

Demonstrators participate in a protest against femicide and violence against women, in Montevideo, Uruguay, 25 November, 2019.

View of stuffed animal toys hanged from ropes in remembrance of murdered women, in the framework of the International Day for the Elimination of Violence against Women, in Tegucigalpa, on 25 November, 2019.

Women perform in memory of women killed in Panama, during the International Day for the Elimination of Violence against Women, in Panama City, on 25 November, 2019.

A woman participates in a demonstration to protest against femicides and violence against women, in Nantes, France, 25 November, 2019.

People attend a march marking the International Day for the Elimination of Violence against Women in Valencia, Spain, 25 November 2019.The Italian Senate building, known as Palazzo Madama, is lit in red on 25 November, 2019.

People attend a march marking the International Day for the Elimination of Violence against Women in Valencia, Spain, 25 November 2019.

A demonstrator participates in a protest to mark the annual International Day for the Elimination of Violence against Women in Madrid, Spain, 25 November, 2019.

Demonstrators gather to protest against femicide and violence against women on 25 November, 2019 in Istanbul, Turkey.

Demonstrators scuffle with riot police during a protest against femicide and violence against women on 25 November, 2019 in Istanbul, Turkey.

Shoes painted in red are placed on the ground to symbolise victims of femicide as part of an exhibition to condemn all kinds of violence toward women, in Square Jourdan, in the European district of Brussels, Belgium, 25 November 2019.

Sudanese women march in Khartoum to mark International Day for Eliminating Violence against Women, in the first such rally held in the northeast African country in decades, on 25 November, 2019.

Xigasho:BBC