Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Maanta dhagax-dhigay dhismaha Wadada u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin & Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, ahna guddoomiyaha Gobalka Banaadir En; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoo), ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay muhiimadda ay Waddadani u leedahay Shacabka, wuxuuna intaa raaciyay in ay sii wadayaan dhismaha iyo dib u habaynta adeegyadii guud ee uu Dalku lahaa.

“Saakay waxaan dhagaxdhignay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo Laami ah oo muddo sanad iyo bar ah ka hirgelino Caasimada Muqdisho ayuu yiri Eng Yariisow.

Goobta dhagax-dhiga wadadaas oo dhismo lagu bilaabayo ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Guddoomiyaha degmada Warta-nabada seynab Xaabseey & mas’uuliyiin kale.