Beled Xaawo- Ayaamaha-Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigtay Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen Gobolka Gedo.

Shabaabka soo goostay oo gaarayey labo ruux ayaa la sheegay inay  isku soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ee ka howlgala degmada Beled xaawo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan oo lagu soo bandhigey degmada Balkad Xaawo ee Gobolka Gedo ay yihiin laba Nin oo muddo sanado ah ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiishu waxaa ay sheegeen inay la soo xiriireen qaar kamid ah Ciidamadooda,sidaasina ay kusoo dhaweeyeen,isla markaana ay sheegeen in lagu wareejin doono Hay’adaha kale ee dowladda Federaalka.

Shalay ayey aheyd markii magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose lagu soo bandhigay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Maadey oo Al-Shabaab ku biiray 2012-kii.