Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka da’ay roob xoogan oo ka dhashay khasaaro Naf iyo Maaliba leh.

Daadad waaweyn Oo sababay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Waxaana gabi ahaan burburay wadooyin aad u badan.

Wadooyinka burbur ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 10 wado oo waaweyn waxaana ugu daran wadooyinkii Turkiga iyo Qadar ay dhiseen oo burburay intoo badan.

Sidoo kale tirada dhimashada iyo dhaawac ayaa waxaa la sheegaya in ay gaaraya 4 qofood oo dhimasho.

Sidoo kale dhaawaca ka dhashay roobabkii ka da’ay magaalada waxaana lagu sheegay in ay gaarayeen ku dhowaad 8 qof oo dhaawac ah.

Meelaha ugu badan ee Biyaha badan fariisteen ayaa waxay kala yihiin  sida Buula Xubeey, Boondheere, Hawl wadaag iyo inta badan degmooyinka G/Banaadir.