Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu dhejiyay waddooyinka iyo meelo badan oo kamid ah magaalada,taasi oo qeyb ka ah soo dhaweyntiisa.

Khayre ayaa lagu wadaa inuu kumanaan shacab ah kula hadlo garoonka ciyaaraha ee magaalada Baydhabo kuwaasoo illaa saaka halkaas ku sugnaa.

Amniga Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi,iyadoo magaalada laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha.