Muqdisho-Ayaamaha-Muddo aad u fog oo ku siman illaa xiligii la bilaabay dhaqashada lo’da ee Afrika, waxaa dadka dhibaato weyn ku ahaa libaaxa oo xoolaha ka laaya dadka.

Waxaa qoyska dhibaato ugu filan in xitaa hal neef oo irmaan ama riman uu libaax ka dilo.

Tusaale ahaan dalka Botswana waxaa la sheegay in ay ku noolyihiin illaa 3 kun oo libaaxyo ah, kuwaas oo markii hore seerooyin loogu talogalay ku jiray, balse hadda abaaraha iyo xaalufka sii kordhaya waxaa aad u kordhaya weerarada iyo dhibaatooyinka dhex maraya dadka iyo libaaxyada.

Dadka hantida leh ee seerayaasha ku xanaanaysta xoolaha ayaa samaystay xeendaab silig ah oo ay libaaxyada isaga celiyeen.

Balse dadka aan wax badan haysan ayay aad ugu adagtahay tan, habeenkiina waxa kaliya oo ay xoolahooda ku ilaashadaan ayaa ah oodda iyo xeendaabyada kale. Sidoo kale waxa ay heystaan eeyo ku ciya libaaxa marka uu soo dhowaado.

Fikrad Cusub

Balse waxaa soo baxay fikrado cusub oo looga hortagi karo weerarada libaaxyada.

Ninka lagu magacaabo Neil Jordan ayaa muddo 30 daqiiqo ah daawanayay libaax eryanaya deero, balse markii ay kusoo jeedsatay, libaaxii waa uu joogsaday, wuuna iska tagay, taas waxa ay ku abuurtay fikrad cusub in uu curiyo.

Wuxuu ogaaday in eegmada uu libaaxa dhibsado, xayawaan soo eegayana uusan ugaadhsan karin.

Sidaas darteed ayuu ka fikiray in uu indho gadaal ugu sawirro lo’, si taas ay u bajiso libaaxa.

Sannadii 2015-kii ayuu sameeyay tijaabo, waxaana usoo baxay natiijo wanaagsan.

libaaxyada waxa ay dileen 3 neef oo ka mid ah 39 neef oo aanan midabka la marin, hase yeeshee hal neef xitaa kama aysan dilin 23-dii neef ee kale ee gaarka loo xareeyay ee gadaal looga sawirray indhaha.

Mr Jordan oo ka tirsan jaamacad ku taala Australia ayaa daraasadda sii balaarinaya, wuxuuna looda ku xirayaa qalab lagula socda dhaqdhaqaaqooda, si uu u hubsado sax ahaanshaha xogta uu daabacayo.

Balse xeeldheerayaal kala duwan ayaan weli ku qancin tabta Mr Jordan, waxaa dadkaas ka mid ah Mr Mills oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, wuxuuna sheegay in libaaxyada ay yihiin dugaag fursad gaad ah, islamarkaasna ka faa’iideysan kara xaalado badan.

Kevin Richardson oo ku taqasusay dabeecadaha libaaxa ayaa isna qaba in fikradan aysan shaqayn karin.

“Daraasado aan samaynay ayaan ku ogaanay in libaaxyada ay durba wax bartaan, yihiina kuwa wax garta, halmar waad qaldi kartaa, balse mar labaad ma qaldi karin” ayuu yiri.

Paul Finston oo ka tirsan barnaamij xayawaanka lagu illaaliyo ayaa yiri “Libaaxu waxyaabaha cusub tuhun ayuu ka qabaa, marka koowaad waa ay qiimeynayaan sheeyga, waxayna markasta jecelyihiin sida ugu badbaadada badan naftooda”