Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, iyada oo maanta loo  dabbaal dagayo maalamaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Ubax dhigan ayaa ahaa mid lagu maamuusayey munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada goballada Koofureed ee dalka iyo Midoobidda goballada waqooyi iyo koofur.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u gudbay Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee Degmada Cabdicasiis halkaas oo ay isugu soo baxeen kumannaan shacab ah oo ka qeyb qaadanayo Xuska 1-da Luuliyo.