Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa saakay xariga ka jaray labo wado oo laami ah oo isku xiraya degmooyinka Shangaani iyo Cabdicasiis.

Wadooyinka Madaxweynaha xariga saakay ka jaray ayaa isku xiraya Degmada Shangaani iyo Xeebta Liido oo katirsan degmada Cabdicasiis, waxaana wadadan dhisay Maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarig jarka Wadooyinkan kadib ugu magac daray laamiga Shangaani ka yimaada Gabyaaga Caanka ah Allaha u naxariistee Cabdulaahi Suldaan Tima Cadde oo dad badan ku xasuustaan gabayga Calan saarka ah ee ”Kana siib kana saar ”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhis balaaran ku sameeyay laamiyo badan oo bur bursanaa, waxaana dhismahan laamiyadan cusub ka qeyb qaadanayaan bilicda caasimada Muqdisho.